TIIRARKA SALAADDA IYO WAAJIBYADEEDA
Tiirarka salaadda waa qaybaha aasaaska ah ay ka koobanto salaadda ayna bureyso haddii looga tago kas ama hilmaan.
Waana sidan soo socota:
Takbiirada ixraamka, qummaaati u istaagga marka la awoodo, akhrinta Faatixada waxaan ma’muumka ahayn, rukuuca iyo ka soo kaca xaggiisa, sujuudda, fadhiga labada sujuudood dhexdood, tashahudka dambe iyo u fariisigiisa, ku xasilidda salaadda iyo u gudashadeeda si deggan, salaam naqsiga.
Waajibyada salaada, waa qaybaha waajibka ah ee salaadda ay bureyso salaadda haddii looga tago kas, laakiinse hadduu qofku illoobo ama ka maaho waxaa la jideeyey wax uu ku kabo nuqsaankaa oo ah sujuudu sahwiga, sida noo iman doonta.
Waajibaadka salaadda waa sidan soo socota:
Dhammaan takbiirooyinka waxaan ahayn takbiirada ixraamka, qowlka Subxaana Rabbiyal Cadiim mar keliya, qowlka Samicallaahu liman xamidah qofka keligi tukan iyo iimaamka, qowlka Rabbanaa walakal Xamdu ay dhammaan wada oranayaan, qowlka Subxaana Rabbiyal Aclaa mar keliya sujuudda, qowlka Rabbiqfir lii mar keliya fadhiga labada sujuudood dhexdood, tashahudka koowaad, waajibyadan waxay kaga dhacaan qofka hilmaanka, waxaana lagu kabaa sujuudu sahwiga.
Sunnooyinka salaadda: Wax kasta oo aan ka mid ahayn tiirarka salaadda iyo waajibyadeeda ee leh oraahyo iyo ficillo waa sunno dhammeystir u ah salaadda ee la doonayo in la dhowro, laakiinse salaadda kuma burto haddii laga tago.
Sujuudda sawhiga
Waa labo sujuud uu sharciyeey Allaah si loogu kabo naqsiga iyo gefka gala salaadda.
Goormay bannaan tahay?
Waxaa la sharciyeeyey sujuudda sahwiga xaaladaha soo socda:
- Haddii uu ku kordhiyo muslimka salaadda rukuuc ama sujuud ama istaag ama fadhi hilmaan darti iyo gef wuxuu u sujuudayaa hilmaankaa sujuudu sahwi.
- Marka ay wax ka nuqsaamaan tiirarka waxaa saaran inuu la yimaado tiirka naaquska ah, wuxuuna u sujuudayaa sujuudu sahwi salaadda aakhirkeeda.
- Hadduu ka tago waajib ka mid ah waajibyada salaaddaa sida tashahudka hore sahwi iyo hilmaan awgi, wuxuu markaas sujuudayaa sujuudu sahwi.
- Hadduu ka shakiyo tirada rakcooyinka, wuxuu qaadanayaa inta uu hubo oo tirada yar ah, wuxuuna sujuudayaa sujuudu sahwi.
Waxyaalaha buriya salaadda:
Salaadda waxay ku burtaa:
- Ka tegid tiir ka mid ah tiirarka salaadda ama shardi ka mid ah shuruudaha salaadda isagoo qofku kara kas ha looga tago ama hilmaan.
- Salaadda waxay ku burtaa ka tegid waajib ka mid ah waajibyada salaaddaa kas.
- Salaadda waxay ku burtaa in lagu hadlo hadal aan salaadda la xiriirin si kas ah.
- Salaadda waxay ku burtaa qosol cod dheer ah.
- Waxay ku burtaa dhaqdhaqaaqa hadduu badan yahay, is xigo, aanay baahi keenin.
Waxyaalaha ku xun salaadda aan ku habbooneyn:
Waa acmaasha naaqusisa ajarka salaadda oo tegsiisa khushuuceeda iyo haybaddeeda waana sidan soo socota:
- Waa wax xun ah aan habbooneyn milicsiga adigoo ku jira salaadda, waayo Nabiga SCW waxaa wax laga weydiiyey milicsiga salaadda gudaheeda, markaasuu wuxuu yiri: “Waa xatooyo uu ka xado shaydaanka salaadda addoonka” (Al-Bukhaari 718)
- Waa wax xun aan habbooneyn ku cayaaridda gacanta iyo wejiga, iyo saaridda gacanta kelyaha, iyo is dhex gelinta faraha iyo jucintooda.
- Waa wax xun aan habbooneyn inuu qofku galo salaad isagoo qalbigiisa ka maahsan yahay baahi darteed uu u qabo inuu musqul galo, ama baahi uu u qabo cunto loo keenay, sida uu Nabigu SCW yiri: “Ma aha inaad aaddo salaad adigoo cunto laguu keenay aad u baahan tahay, iyo qofka ay heyso kaadi ama saxaro” (Muslim 560)
WBT Qaybta 5 aad
Comments
Post a Comment