MACNAHA SUURADA FAATIXADA



(الْحَمْدُ لِلهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ)
Waxaan ku amaanayaa Allaah dhammaan tilmaamahiisa quruxda badan iyo afcaashiisa wanaagga badan iyo nicmooyinkiisa muuqda iyo kuwa qarsoon aan la tiro koobi karin ammaan ay  wehliso maxabbad iyo weyneyn iyo mahad naq, Rabbina waa Abuuraha milkiilaha  maamulaha nicmoolaha, caalimna waa waxa ka soo hara Allaah Cazza Wajalla ee uunkiisa ka mid ah ee leh dad iyo jin iyo malaa’ig iyo xoolo, iyo qeyrkoodba.
(الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ)
Waa labo magac oo ka mid ah magacyada Ilaahay, Raxmaan waa kan leh naxariista guud ee gaarta wax walba, Ar-Raxiim, waa kan ku sifeysan sifada raxmada ballaaran ee gaadha addoomahiisa mu’miniinta ah.
(مَالِكِ يَوْمِ الدِّينِ)
Waa Kan iska leh  xukunka ee ka talin  maalinta abaal marinta iyo xisaabta, waxaana arrinkaa ugu sugan xusuusin Muslimka Maalinta Aakhiro iyo ku dhiirra gelin inuu fasho camallo wanaagsan.
(إِيَّاكَ نَعْبُدُ وَإِيَّاكَ نَسْتَعِينُ)
Waxaan kugu gaar yeeleynaa Keligaa Adiga Rabbigayow cibaadada, mana kula wadaajineyno qeyrkaa noocna ka mid ah noocyada cibaadada, waxaana kaa dalbaynaa kaalmo adiga oo keliya dhammaan umuuraheenna, waayo arrinku oo idil wuxuu ku jiraa Gacantaada, axadna kuma leh uunka wax saxar ama quraanyo le’eg, wax ka weyn ama wax ka yarba. 
(اهدِنَا الصِّرَاطَ الْمُسْتَقِيمَ)
Na tus oo nagu hanuuni oo waafaji jidka toosan oo nagu sug ilaa aan kaala kulanno, jidka toosan waa Islaamka ee iska cad ee lagu helo raalliniinimada Ilaahay iyo jannadiisa, uu na tusay kan u dambeeyey ee lagu khatimay anbiyada iyo kuwa la soo diray: Muxammad sallalaahu calayhi wasallam mana jiro jid uu ku liibaano addoonka aan ahayn inuu ku toosnaado jidkaas.  
(صِرَاطَ الَّذِينَ أَنْعَمْتَ عَلَيْهِمْ)
Macnaha waa jidka kuwa aad ugu nicmeysey hanuunka iyo toosnaanta ee leh nabiyada iyo wanaagsanayaasha ee bartay xaqa oo raacay.
(غَيْرِ الْمَغْضُوبِ عَلَيْهِمْ وَلاَ الضَّالِّينَ)
Macnaha waa naga fogee oo naga badbaadi jidka kuwa aad u caroortay oo u ciil qabto waayo waxay ogaadeen xaqa kumase ayan camal falin waana Yuhuudda  iyo wixii la mid ah, oo naga fogee jidka habowsanayaasha waana kuwa aan ku hanuunin xaqa jahligooda darteed waana Kirishtaanka iyo wixii shabbaha.

WBT Qaybta 4 aad

Comments

Popular posts from this blog

TIIRARKA SALAADDA IYO WAAJIBYADEEDA

SIDA LOO TUKADO SALAADDA

WAA MAXAY SALAADAHA SUNNADA AH?