SALAADDA JAMAACADA


Allaah wuxuu amray ragga inay jamaaco ahaan u tukadaan shanta salaadood, waxaana ku soo arooray fadligeeda ajar aad u weyn, Nabigu SCW wuxuu yiri: “Salaadda jamaacada waxay ka fiican tahay salaadda qofka keliga ah toddobo iyo labaatan darajo” (Al-Bukhaari 619, Muslim 650)
waxaana u yar: Iimaam  iyo ma’muum, mar kastoo ay jamaacadu badan tahay waa sida uu sii jecel yahay Allaah.

Macnaha iimaam yeelashada

Waa  inuu ku xiro qofka tukanaya ee raacaya iimaam salaaddiisa salaadda iimaamka, oo markaas ku raaco rukuucdiisa iyo sujuuddiisa oo dhageysto akhrintiisa, waana inuusan ka hor marin ama ku khilaafin wax ka mid ah arrinkaa bal wuxuu la imaan falalka salaadda kaddib iimaamka daah la’aan.
Nabigu SCW wuxuu yiri: “Waxaa iimaamka loo yeelay si loogu daydo, ee markuu takbiirsado idinkuna takbiirsada, hana takbiirsannina ilaa uu takbiirsado, oo markuu rakuuco rakuuca, oo ha rukuucina ilaa uu rukuuco, oo marka uu yiraahdo: Samicallaahu Liman xamidah, idinkuna dhaha: Rabbanaa walakal Xamdu, oo marka uu sjuudo idinkuna sujuuda oo ha sujuudina jeer uu sujuudo..” (Al-Bukhaari 701, Muslim 414, Abuu Daawuud 603).

Yaa loo hormariyaa iimaamada?

Waxaa loo hormariyaa iimaamada qofka ugu xafidsan Kitaabka Ilaahay oo ugu akhrin wanaagsan, kaddib sida loo kala mudan yahay oo loo kala horreeyo, sida uu Nabigu SCW yiri:  “Waxaa dadka iimaam u noqon qofka ugu akhrin ogsoon Kitaabka Ilaahay, hadday ka siman yihiin xagga akhrinta, qofka ugu aqoon badan Sunnada..” (Muslim 673)

Xaggee buu istaagayaa iimaamka iyo sidoo kale ma’muumiinta?

Waxaa la doonayaa inuu hormaro iimaamka, iyo inay saftaan ma’muumiinta saf siman oo isku dhaggan gadaashi, waa inay dhammeystiraan safka sida ay u soo kala horreeyaan, hadduu ma’muumka yahay qof keliya, wuxuu istaagayaa midigta iimaamka.

Sidee buu u dhammeystirayaa ma’muumka waxa dhaafay oo rakcado ah la jirka iimaamka?

Qofkii la xirta iimaam salaad kaddib markay dhaafeen wax ka mid ah salaadda, wuu la geli salaadda ilaa uu salaamo naqsado iimaamka, kaddibna wuxuu dhammeystirayaa waxa uga harsan salaaddiisa. 
Wuxuuna ka soo qaadayaa waxa uu ku soo gaaray iimaamka horraanka salaaddiisa, waxana uu sameynayo intaa kaddib inay tahay aakhirka salaaddiisa

Maxaa lagu haleelaa rakcadda?

Waxaa loo xisaabiyaa salaadda tirada rakcooyinka, qofkii ku haleela iimaamka rukuuca, qofkaas waa qof haleelay rakcadda oo dhan, qofkase uu dhaafo rukuuca, wuxuu la galayaa iimaamka hadba xaaladda uu ku jiro, laakiinse waxa ka haray oo falal iyo oraaho ah  rakcaddaas dhaaftay looguma xisaabinayo rakcooyinkiisa.

Tusaalooyin iimaam raacidda qofkii ay dhaaftay salaadda horraankeeda la jirka iimaamka

  • Qofkii haleela iimaamka salaadda fajarka rakcadda labaad, waxaa ku waajib ah marka uu salaama naqsado iimaamka inuu kaco si uu u dhammeystiro rakcadda u hartay mana uu salaamo naqsanayo jeer uu bogo, waayo salaadda fajarka waa labo rakcadood,  mana uu ku soo gaarin waxaan ahayn rakcad keliya.  
  • Qofkii ku soo gaara iimaamka tashahudka dambe ee salaadda Maqrib, waxaa ku waajib ah marka uu salaamo naqsado iimaamka inuu tukado seddex rakcadood oo dhan, waayo wuxuu ku soo gaaray iimaamka tashahudka dambe, waxaana lagu gaaraa rakcadda marka lala haleelo rukuuca iimaamka.  
  • Qofkii haleela iimaamka isagoo ku sugan rukuuca rakcadda seddexaad ee salaadda Duhur, wuxuu la haleelay labo rakcadood iimaamka (xagga ma’muumka waxay u tahay labada rakcadood ee hore ee Duhurka), marka uu iimaamka salaamo naqsado, waxaa saaran inuu kaco ma’muumka oo dhammeystiro waxa u harsan, oo ah rakcadda seddexaad iyo afaraad, waayo salaadda duhurka waa salaad ka kooban afar rakcadood.

WBT Qaybta 7 aad

Comments

Popular posts from this blog

TIIRARKA SALAADDA IYO WAAJIBYADEEDA

SIDA LOO TUKADO SALAADDA

WAA MAXAY SALAADAHA SUNNADA AH?