AXKAAMTA SOONKA



Macnaha soonka

Macnaha soonka xagga Islaamka: Waa inaad  ugu cibaadeysato Allaah inaad ka af xirato oo ka joogto cunto iyo cabbitaan iyo galmo iyo waxyaalaha kale ee lagu afuro laga billaabo waaberiga – oo ah waqtiga aadaanka salaadda Fajar ilaa qorrax dhaca – oo ah waqtiga aadaanka salaadda Maqrib.

Fadliga bisha Ramadaan

Bisha Ramadaan waa bisha sagaalaad ee bilaha dayaxa ee lagu xisaabsado taariikhda islaamka, waa bisha u wanaagsan bilaha sannadka oo dhan, Allaah wuxuu ku gaar yeelay dhowr waxyaalood oo wanaagsan uu dheer yahay bilaha kale, waxaana ka mid ah waxyaalaha  uu ku leeyahay fadliga gaarka ah:

  • Waa bisha uu Allaah uu u doortay soo degitaanka kan ugu weyn uguna sharaf badan kutubtiisa, Qur’aanka Kariimka, Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri:
  • {شَهْرُ رَمَضَانَ الَّذِي أُنْزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ هُدًى لِلنَّاسِ وَبَيِّنَاتٍ مِنَ الْهُدَى وَالْفُرْقَانِ فَمَنْ شَهِدَ مِنْكُمُ الشَّهْرَ فَلْيَصُمْهُ} (البقرة:185).
  • "Bisha Ramadaan ee dhexdiisa Qur’aanka la soo waxyooday,  hanuun u ah dadka iyo xujooyinka cad ee leh  hanuunka iyo kala saaridda. ee qofkii idinka mid ah ee jooga bisha waa inuu soomo inta lagu jiro”. (Al-Baqarah: 185)
  • Waa bil la furo albaabbada Jannada: Nabigu SCW wuxuu yiri: “Markuu soo galo Ramadaanka waxaa la furaa albaabbada jannada, oo la xiraa albaabbada naarta, oo waxaa lagu xiraa silsilado shayaadiinta” (Al-Bukhaari 3103, Muslim 1079), Allaah wuxuu u diyaarshay addoomahiisa inay ugu soo jeestaan falasho cibaadooyinka iyo ka tegidda waxyaalaha xun. 
  • In qofkii sooma maalinkiisa oo u istaaga salaad habeenkiisa waxaa loo dhaafaa wixii horay uga dhacay danbiyo, Nabigu SCW wuxuu yiri: “Qofkii u sooma Ramadaanka iimaan qab iyo ajar dalab waxaa loo dhaafaa wixii horay uga dhacay oo danbiyo ah” (Al-Bukhaari 1910, Muslim 760) wuxuu kaloo yiri: “Qofkii u kaca salaatu leyl Ramadaanka iimaan qab iyo ajar dalab, waxaa loo dhaafaa wixii horey uga dhacay oo danbiyo ah” (Al-Bukhaari 1905, Muslim 759)
  • Waxaa ku jira habeenka ugu weyn habeennada sannadka oo dhan, uu noogu sheegay Allaah Kor ahaaye Kitaabkiisa in camalka wanaagsan gudahiis uu ka khayr badan yahay camalka waqtiyo badan, Allaah kor ahaaye wuxuu yiri:
  • {لَيْلَةُ الْقَدْرِ خَيْرٌ مِنْ أَلْفِ شَهْرٍ} (القدر: 3).
  • "Habeenka Qaddarku wuxuu ka khayr badan yahay kun bilood”. (Al-Qadar: 3). Qofkiina u kaca salaatu leyl iimaan qab iyo ajar dalab waxaa loo dhaafaa wixii horay uga dhacay oo danbiyo ah, waa habeen ka mid ah habeennada tobanka dambe ee Ramadaanka, mana jiro axad u cayyimi kara si gaar ah waqtigeeda. 

Fadliga soonka

Soonku wuxuu leeyahay wanaagyo badan ee ku soo arooray sharciga waxaa ka mid ah arrimahan soo socda:

  • Qofkii  sooma Ramadaan iimaan ku qab Allaah iyo u hoggaansamid amarradiisa iyo rumeyn waxa ku soo arooray ee fadli ah isagoo ka dalbaya ajar Ilaahay agtii waxaa loo dhaafaa wixii horay uga dhacay oo danbiyo ah, sida uu Nabigu SCW yiri: “Qofkii u sooma Ramadaan iimaan qab iyo ajar dalab waxaa loo dhaafaa wixii horay uga dhacay oo danbiyo ah” (Al-Bukhaari 1910, Muslim 760)
  • Qofka soomani wuxuu ku farxi doonaa waxa uu la kulmi doono oo ajar ah iyo barwaaqo markuu la kulmo Allaah sababta soonkiisa, sida uu Nabigu SCW yiri: “Qofka soomani wuxuu leeyahay labo farxadood, farxad markuu afurayo, iyo farxad marka uu la kulmo Rabbigi” (Al-Bukhaari 1805, Muslim 1151)
  • Jannadu waxaa ku yaal albaab la yiraahdo Ar-Rayaan, ayan ka gelin cidaan ahayn kuwa soonka badan, Nabigu SCW wuxuu yiri: “ Jannada waxaa ah albaab la yiraahdo Ar-Rayyaan, ay ka geli doonaan soomanayaasha Maalinta Qiyaamaha, uusan ka geli doonin axad kale oo qeyrkood ah, waxaa la oran doonaa: Aaway soomayaashii? Markaasay soo kacayaan, mana uu ka soo geli doono axad qeyrkood ah, markay galaan baa la xiraa albaabkaa, oo qof kale kama soo galo”. (Al-Bukhaari 1797, Muslim 1152) 
  • Allaah Wuxuu isu tiirshey ka abaal marinta soonka iyo ajar ka siinta xaggiisa subxaanahu, qofka abaalkiisa iyo jazahiisa uu yahay xagga deeqsi aad u sharaf weyn wax bixin badan, naxariis badan, ha ku bishaareysto waxa uu Allaah u diyaariyey, Nabigu SCW wuxuu yiri oo xadiis qudsi ah uu ka soo weriyey Rabbigi: “ Camal kasta oo ibnu Aadam falo isagaa baa leh marka laga reebo soonka, kaasi anigaa baa leh, anigana baana ka abaal gudaya” (Al-Bukhaari 1805, Muslim 1151).

Xikmadda laga leeyahay soonka

Allaah wuxuu u faral yeelay soonka xikmado badan darteed iyo ujeeddooyin dhowr ah xagga diinta iyo dunida, waxaana ka mid ah: 

Hirgelinta cabsida Ilaahay Cazza Wajalla

Waayo waa cibaado uu ugu dhowaado addoonka Rabbigi isagoo ka taga waxyaalaha uu jecel yahay oo uu ka joogo rabitaannadiisaa, markaasuu wuxuu ku celiyaa naftiisa taqwada iyo dhugashada Ilaahay subxaanahu watacaalaa meel iyo waa’ uu joogaba, sir iyo saaqba, sidaas awgeed buu Allaah u yiri:
(يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى الَّذِينَ مِنْ قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ } (البقرة: 183 }.
“Mu’miniintow! Waxaa la idinku faral yeelay soon, sidii loogu faral yeelayba kuwii idinka horreeyay, si aad isaga jirtaan (xumaha)”. (Al-Baqarah: 183)

Haddaba markuu qofka ka joogo waxyaalaha u bannaan isagoo qaaadanaya amarka Ilaahay, waxaan shaki ku jirin inuu u sii awood yeelan doono ka celinta naftiisa rabitaannadiisa xagga macaasida iyo danbiyada iyo inuu dhaafeyn xuduudda ilaahay oo ka joogayo ku sii socodka baadilka, Nabigu SCW wuxuu yiri: “Qofkii aan iska deyn hadalka beenta iyo dhaqanka xun, Allaah dan kama leh inuu iska daayo cuntadiisa iyo cabbitaankiisa” (Al-Bukhaari 1804) taasi macnaheedu waxaa weeye qofkii aan ka joogin beenta iyo faasiqnimada xagga qowlka iyo camalka, ma uusan haleelin gunta iyo danta laga leeyahay soonka.

Waayo waxaa ku jira tijaabin ka sheegashada wax la’aanta iyo gaajada, iyo xusuusasho fuqarada ee ka sheegta wax la’aanta goor kasta, markaasuu wuxuu xusuustaa walaalihi fuqarada ah, iyo sida ay uga sheegtaan labada kala daran gaajada iyo harraadka, markaasuu wuxuu ku dadaalaa inuu kaalmo siiyo oo u asxaan falo masaakiinta iyo dadka baahan.

Waxyaalaha uu ku furmo soonka

Waana umuuraha  ku waajibka ah qofka sooman inuu ka joogo waayo waxay buriyaan soonka, waana sida soo socota:

Cunidda iyo cabbidda

Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri:
(وَكُلُوا وَاشْرَبُوا حَتَّى يَتَبَيَّنَ لَكُمُ الْخَيْطُ الْأَبْيَضُ مِنَ الْخَيْطِ الْأَسْوَدِ مِنَ الْفَجْرِ ثُمَّ أَتِمُّوا الصِّيَامَ إِلَى اللَّيْل } (البقرة: 187 
“Oo cuna oo cabba ilaa caddaanka maalintu ka soocmo madowga habeenka waabbarkii,  markaas dhammeystira soonka ilaa habeenka”. (Al-Baqarah: 187)
Qofkiise wax cuna ama cabba isagoo hilmaansan, soonkiisu wuu u jiraa oo dambi ma leh, sida uu Nabigu SCW yiri: “Qofkii illaaba isagoo sooman ee wax cuna ama cabba waa inuu dhammeystiro soonkiisa, waayo Allaah baa quudiyey oo waraabiyey” (Al-Bukhaari 1831, Muslim 1155) 

  • Faleebooyinka iyo cirbadaha nafaqada leh ee nafaqa siiya jirka si ay u siiso waxa ka naaqusa ee leh milixyo iyo raashin , waxay  galayaan halkii cuntada iyo cabbidda oo qaadanayaan xukunkooda.
  • Ku shubidda dhiig qofka bukaanka ah, waayo dhiigga waa nafaqo siiye jirka, marka wuxuu qaadanayaa xukunka cunidda iyo cabbidda. 
  • Cabbidda sigaarka nooc uu ahaadaba, waa ku furmaa soonka, waayo wuxuu siiyaa jirka sumo uu qofku ku qaato dhuuqidda sigaarka. 

Haddiise uu riyoodo oo biyo baxo isagoo hurda sidaas kuma afurayo, waayo ma aha arrin ku yimid doorashadiisa.
Waxaana u bannaan ninka inuu dhunkado xaaskiisa   iwm, hadduu is celin karo si uusan uga furmin  soonka

“Qofkii uu soo dhaafo matag isagoo sooman ma saarna inuu qalleeyo, qofkiise isagu is matajiya, waa inuu qalleeyo maalintaasi” (At-Tirmidi 720, Abuu Daawuud 2380)

marka  la arko dhiig xayl ama dhalmo xitaa maalinta qaybta ugu dambeysa soonkii waa ka furmay haweenta, ama haddii ay dhiig caado qabtay ee daahir noqoto kaddib waaberiga markaa soonkeeda ma ansaxayo, wayna afuran tahay maalintaa, tixraac qowlka Nabiga SCW: “Ma waanay markay haweenta hesho dhiggga caadada ka joogin salaadda oo ka joogin soonka” (Al-Bukhaari 1850). 
Dhiiggase uga yimaada haweenta xanuun darti, aan ahayn dhiigga xaylka ee caadada ah ee socda dhowr maalmood bishii, aan sidoo kale ahayn dhiigga dhalmada ee yimaada dhalmada kaddib, dhiiggaa aan labadaa midkoodna ahayn ma looga joogo soonka.

Dadka cudur daarka u heysta inaysan soomin

Allaah wuxuu u rukhseeyey dhowr qolo oo dadka ka mid ah inay iska afuraan  Ramadaanka khafiifin iyo naxariis iyo u sahlid darteed iyaga, waana kuwan:

  • Qofka jirran uu dhib ka soo gaarayo soonka, waxaa u bannaan inuu afuro oo qalleeya maalmahaasi lagu yeesho Ramadaanka kaddib.
  • Qofkii kari waaya soonka da’ weyni darteed ama jirro aan laga rajo qabin inuu ka caafimaado, markaa waxaa u bannaan inuu afuro oo quudiyo maalin kasta miskiin uu siiyo kilo iyo bar raashinka laga cuno beledka. 
  • Haweenta qabta dhiigga xaylka – caadada- iyo dhiigga dhalmada, waxaa ka xaaraan ah labadaba soonka, mana ka ansaxayo, waxaana saaran inay qalleeyaan Ramadaanka kaddib (Eeg bogga 104)
  • Haweenta uurka leh iyo tan ilmaha nuujineysa, hadday ka baqaan dhib soo gaara naftooda ama ilmahooda way afuri karaan, oo qalleynayaan maalmahaas. 
  • Qofka Musaafirka ah inta uu ku jiro safarkiisa, iyo ku negaanashaiisa meel si ku meel gaar ah muddo ka yar afar maalmood, qofkaasi waa u bannaan tahay inuu afuro oo qalleeyo maalmahaasi Ramadaanka kaddib.

Allaah Kor wuxuu yiri:

(وَمَنْ كَانَ مَرِيضًا أَوْ عَلَى سَفَرٍ فَعِدَّةٌ مِنْ أَيَّام أُخَرَ يُرِيدُ اللهُ بِكُمُ الْيُسْرَ وَلَا يُرِيدُ بِكُمُ الْعُسْرَ } (البقرة: 185 }
“Oo qofkii buka ama safar ah waxaa saaran  isla tiradii (maalmahii uusan soomin oo uu  gudo) maalmo kale. Allaah wuxuu idin la rabaa fudayd, oo idinlama rabo culays” (Al-Baqarah: 185).

Waa maxay xukunka  qofkii afura bisha Ramadaan?

Qof kastoo afura cudur daar la’aan waxaa saaran inuu u toobad keeno Allaah waayo wuxuu ku dhacay dambi aad u weyn oo ku caasiyey amarka Abuurahi Subxaanahu watacaalaa, waxaana saaran inuu qalleeyo maalintaa keliya, qof ku afura maahee galmo maalin Ramadaan, qofkaas waa inuu qalleeyo maalintaasi, waxaa sidoo kale saaran inuu kafaara gud ka sameeyo macsidaas, kafaaradaas oo ah xoreyn qoor macnaha waa inuu iibsado addoon muslim ah oo xoreeyo, diinta islaamka waxay aad u adkeysaa ahmiyadda ka xoreynta qofka addoonsiga goor walba, haddaysan jirin qoor la xoreeyo sida uu xaalka yahay hadda, waa inuu soomo labo bilood oo xiriir ah, hadduusan awoodin waa inuu quudiyo lixdan miskiin.

Soonka sunnada ah

Allaah wuxuu faral yeelay soomid bil keliya sannadkii, laakiinse wuxuu dhiirra geliyey soomidda maalmo kale qofkii ka hela naftiisa awood iyo doonis arrinkaa isagoo doonaya ajar badsi iyo abaal gud, waxaana ka mid ah maalmahaa:

1: Maalinta Caashuraa, iyo maalin horteed ama bacdigeed. Caashuurana waa maalinta tobnaad ee bisha Muxarram bisha ugu horreysa ee taariikhda islaamka, waana maalinkii uu Allaah ka badbaadiyey Nabigii Ilaahay ee Muuse caddibaaddii Fircoon, oo qarqiyey Fircoon iyo intii la jirtey, marka waxaa sooma maalintaas qofka Muslimka ku shukrin Ilaahay badbaadinta uu badbaadiyey Muuse iyo ku dayasho Rasuulkeenna SCW oo soomay isagoo yiri: “Sooma maalin horteed ama maalin bacdigeed”  (Axmad 2154)  mar wax laga weydiiyeyna Nabiga SCW fadliga soomidda Caashuuraa – 10ka bisha Muxarram - wuxuu yiri: “Waxaa lagu dhaafaa danbiyadii sannadkii tagey” (Muslim 1162).

2: Maalinta Carafa, waana maalinka sagaalaad ee bisha Dul Xijjah, bisha labo iyo tobnaad ee taariikhda islaamka, maalinkaana waa maalinka ay ku kulmaan xujeyda beydka Ilaahay goobta Carafa, iyagoo barya Allaah Cazza Wajalla oo u dan iyo muraad sheeegta, waa maalinka u fiican maalmaha sannadka, waxaana loo sharciyeeyey dadka aan xujeyda ahayn inay soomaan maalinkaa, markiina la weydiiyey Nabiga SCW soonka maalinta Carafah, wuxuu yiri: “Waxaa lagu dhaafaa danbiga sannadkii tagey iyo kan soo socda” (Muslim 1162).

3: Lix maalmood ka mid ah maalmaha shawwaalka, shawwaal waa  bisha soon fur, waa bisha tobnaad ee taariikhda Islaamka, Nabiga SCW wuxuu yiri: “Qofkii sooma bisha Ramadaan oo raacsha lix maalmood oo ka mid ah bisha Shawaal – Soon fur -  waa sida qof soomay sannadka oo dhan” (Muslim 1164)

4: Ka soomidda seddex maamood bil walba, Abuu Hurayrah RC wuxuu yiri: “Wuxuu igula dardaarmay gacalkay seddex arriommd aan ka tegi doonin jeer aan dhinto: ka soomidda seddex maalmood bil walba, salaadda duxada, iyo inaan seexdo anigoo witirka tukaday” (Al-Bukhaari 1178, Muslim 721).

ALLOW CAFIMAAD NAGU GAARSII BISHA RAMADAAN.

WBT

Comments

Popular posts from this blog

TIIRARKA SALAADDA IYO WAAJIBYADEEDA

SIDA LOO TUKADO SALAADDA

WAA MAXAY SALAADAHA SUNNADA AH?