SALADDA QOFKA MUSAAFIRKA AH


  • Waxaa sunno ah in qofka musaafirka ah marka uu dhoofka  yahay ama  ku negaado meel aan degaankiisa ahayn  si ku meel gaar ah muddo ka yar afar maalmood inuu ku soo gaabsho salaadaha ka kooban afarta rakcadood labo rakcadood keliya, markaa wuxuu tukanayaa Duhurka iyo Casarka iyo Cishaha labo rakcadood halkii afarta rakcadood inuu la tukado maahee iimaam degaan ah, markaa waa inuu ku raaco salaaddiisa oo tukado afar rakcadood isagoo kale.
  • Waxaa u bannaan inuu ka tago  sunnooyinka joogtada ah marka laga reebo sunnada fajarka iyo witirka. 
  • Waxaa u bannaan inuu kulmiyo Duhurka iyo Casarka, iyo Maqribka iyo Cishaha waqtiga labadaa middood, gaar ahaan marka uu socdaalka yahay iyo safarka   khafiifin ahaan iyo naxariis iyo dhib qaadis.

Salaadda bukaanka

Salaadda waa ku waajib qof kasta oo Muslim ah goor kasta marba hadduu caqligiisa qabo iyo maankiisa, laakiinse Islaamku wuxuu tixgelin siiyey arrinka kala duwanaanta duruufta dadka iyo baahidooda, waxaana ka mid ah xaaladda qofka bukaanka ah.

Si  aan u caddeyno arrinkaa waxaa la yiraahdaa:

  • Waxaa ka dhaca u istaagidda salaadaa qofka jirran aan karin inuu istaago, ama hadduu istaaggu dhibayo ama raajinayo caafimaadkiisa. Markaa wuxuu ku tukanayaa fadhi, haddii uusan awoodin wuxuu tukanayaa isagoo dhinac u jiifa. Nabigu SCW wuxuu yiri: “Ku tuko taagnaan, haddaad kari weydo ku tuko fadhi, haddaad kari weydo tuko adiigoo dhinac u jiifa” (Al-Bukhaari 1066) 
  • Qofkii aan awoodin inuu rukuuco ama sujuudo, markaa wuxuu ku ishaarayaa madaxa uu soo yari gudo intuu awoodo. 
  • Qofkii ay ku adkaato ku fariisiga dhulka, wuxuu ku fariisan karaa kursi iwm. 
  • Qofkay ku adkaato inuu isu daahiriyo salaad kasta xanuun haya darti, waxaa u bannaan inuu kulmiyo  oo isu keeno Duhurka iyo Casarka, iyo Maqribka iyo Cishaha. 
  • Qofkay ku adag tahay isticmaalka biyaha xanuun haya darti, waxaa u bannaan inuu booreysto – goggobeysi- si uu u guto salaadda.

WBT Qaybta 9 aad

Comments

Popular posts from this blog

TIIRARKA SALAADDA IYO WAAJIBYADEEDA

SIDA LOO TUKADO SALAADDA

WAA MAXAY SALAADAHA SUNNADA AH?