AXKAAMTA SOONKA

Macnaha soonka Macnaha soonka xagga Islaamka: Waa inaad ugu cibaadeysato Allaah inaad ka af xirato oo ka joogto cunto iyo cabbitaan iyo galmo iyo waxyaalaha kale ee lagu afuro laga billaabo waaberiga – oo ah waqtiga aadaanka salaadda Fajar ilaa qorrax dhaca – oo ah waqtiga aadaanka salaadda Maqrib. Fadliga bisha Ramadaan Bisha Ramadaan waa bisha sagaalaad ee bilaha dayaxa ee lagu xisaabsado taariikhda islaamka, waa bisha u wanaagsan bilaha sannadka oo dhan, Allaah wuxuu ku gaar yeelay dhowr waxyaalood oo wanaagsan uu dheer yahay bilaha kale, waxaana ka mid ah waxyaalaha uu ku leeyahay fadliga gaarka ah: Waa bisha uu Allaah uu u doortay soo degitaanka kan ugu weyn uguna sharaf badan kutubtiisa, Qur’aanka Kariimka, Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri: { شَهْرُ رَمَضَانَ الَّذِي أُنْزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ هُدًى لِلنَّاسِ وَبَيِّنَاتٍ مِنَ الْهُدَى وَالْفُرْقَانِ فَمَنْ ...