Posts

Showing posts from 2020

AXKAAMTA SOONKA

Image
Macnaha soonka Macnaha soonka xagga Islaamka:  Waa inaad  ugu cibaadeysato Allaah inaad ka af xirato oo ka joogto cunto iyo cabbitaan iyo galmo iyo waxyaalaha kale ee lagu afuro laga billaabo waaberiga – oo ah waqtiga aadaanka salaadda Fajar ilaa qorrax dhaca – oo ah waqtiga aadaanka salaadda Maqrib. Fadliga bisha Ramadaan Bisha Ramadaan waa bisha sagaalaad ee bilaha dayaxa ee lagu xisaabsado taariikhda islaamka, waa bisha u wanaagsan bilaha sannadka oo dhan, Allaah wuxuu ku gaar yeelay dhowr waxyaalood oo wanaagsan uu dheer yahay bilaha kale, waxaana ka mid ah waxyaalaha  uu ku leeyahay fadliga gaarka ah: Waa bisha uu Allaah uu u doortay soo degitaanka kan ugu weyn uguna sharaf badan kutubtiisa, Qur’aanka Kariimka, Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri: { شَهْرُ   رَمَضَانَ   الَّذِي   أُنْزِلَ   فِيهِ   الْقُرْآنُ   هُدًى   لِلنَّاسِ   وَبَيِّنَاتٍ   مِنَ   الْهُدَى   وَالْفُرْقَانِ   فَمَنْ ...

SALADDA QOFKA MUSAAFIRKA AH

Image
Waxaa sunno ah in qofka musaafirka ah marka uu dhoofka  yahay ama  ku negaado meel aan degaankiisa ahayn  si ku meel gaar ah muddo ka yar afar maalmood inuu ku soo gaabsho salaadaha ka kooban afarta rakcadood labo rakcadood keliya, markaa wuxuu tukanayaa Duhurka iyo Casarka iyo Cishaha labo rakcadood halkii afarta rakcadood inuu la tukado maahee iimaam degaan ah, markaa waa inuu ku raaco salaaddiisa oo tukado afar rakcadood isagoo kale. Waxaa u bannaan inuu ka tago  sunnooyinka joogtada ah marka laga reebo sunnada fajarka iyo witirka.  Waxaa u bannaan inuu kulmiyo Duhurka iyo Casarka, iyo Maqribka iyo Cishaha waqtiga labadaa middood, gaar ahaan marka uu socdaalka yahay iyo safarka   khafiifin ahaan iyo naxariis iyo dhib qaadis. Salaadda bukaanka Salaadda waa ku waajib qof kasta oo Muslim ah goor kasta marba hadduu caqligiisa qabo iyo maankiisa, laakiinse Islaamku wuxuu tixgelin siiyey arrinka kala duwanaanta duruufta dadka iyo baahidooda, wax...

KU KHUSHUUCIDDA SALAADDA

Image
Ku khushuucidda salaadda waa xaqiiqda salaadda iyo gunteeda, macnaheeduna waxaa weeye joogidda qalbiga Allaah horti salaadda gudaheeda si khushuuc leh iyo hogasho adigoo dareensan waxa aad leedahy oo leh aayado iyo ducooyin iyo wardiyo.  Khushuucana wuuxu ka mid yahay waxa u wanaagsan cibaadooyinka oo ugu sharaf badan daacada Ilaahay, sidaas awgeed buu Allaah aad noogu adkeeyey Kitaabkiisa gudahi, oo noo sheegay inuu ka mid yahay tilmaamaha mu’miniinta, sida uu Allaah Kor ahaaye yiri: }  قَدْ   أَفْلَحَ   الْمُؤْمِنُونَ  •  الَّذِينَ   هُمْ   فِي   صَلَاتِهِمْ   خَاشِعُونَ { ( المؤمنون : 1-2). “Xaqiiq mu’miniintu waa iyaga kuwa guuleysan doona. Kuwa ku khushuuca salaaddooda”. (Al-Mu’minuun: 1-2) Qofka ku khushuuca salaaddana wuxuu helaa macaanka cibaadada iyo iimaanka, sidaas awgeed Nabigu SCW wuxuu oran jirey:  “Waxaan ku indho qabowsadaa oo farxaa salaadda” (An-Nisaa’I, 3940) waxaa loola jeedaa qurratul ceyn farxad dhe...

SALAADDA JAMAACADA

Image
Allaah wuxuu amray ragga inay jamaaco ahaan u tukadaan shanta salaadood, waxaana ku soo arooray fadligeeda ajar aad u weyn, Nabigu SCW wuxuu yiri: “Salaadda jamaacada waxay ka fiican tahay salaadda qofka keliga ah toddobo iyo labaatan darajo” (Al-Bukhaari 619, Muslim 650) waxaana u yar: Iimaam  iyo ma’muum, mar kastoo ay jamaacadu badan tahay waa sida uu sii jecel yahay Allaah. Macnaha iimaam yeelashada Waa  inuu ku xiro qofka tukanaya ee raacaya iimaam salaaddiisa salaadda iimaamka, oo markaas ku raaco rukuucdiisa iyo sujuuddiisa oo dhageysto akhrintiisa, waana inuusan ka hor marin ama ku khilaafin wax ka mid ah arrinkaa bal wuxuu la imaan falalka salaadda kaddib iimaamka daah la’aan. Nabigu SCW wuxuu yiri: “Waxaa iimaamka loo yeelay si loogu daydo, ee markuu takbiirsado idinkuna takbiirsada, hana takbiirsannina ilaa uu takbiirsado, oo markuu rakuuco rakuuca, oo ha rukuucina ilaa uu rukuuco, oo marka uu yiraahdo: Samicallaahu Liman xamidah, idinkuna dhaha: Rab...

WAA MAXAY SALAADAHA SUNNADA AH?

Image
Waxaa ku waajib ah qof kastoo Muslim ah maalin iyo habeen kasta shan salaadood oo keliya. Sidaa ay tahay sharciga wuxuu ku dhiirra geliyey sidoo kale qofka Muslimka ah inuu tukado salaado sunno ah, waayo waa sabab uu ku muto addoonka maxabbada Ilaahay, waxayna kabtaa waxa ka naaqusa faraa’ilka.  Salaadaha nawaafisha ah way badan yihiin, waxaase ugu muhimsan: Sunnooyinka Rawaatibta ah: Waxaana loogu bixiyey magacaa waayo waxay laasuntaa faraa’ilka, oo ku xiriirsan tahay, iyo inuu Muslimka daa’ima darteed.  Nabigu SCW wuxuu yiri: “Ma jiro addoon Muslim ah oo u tukado Allaah maalin kasta labo iyo toban rakcadood oo iskiis ah aan faral ahayn aan Ilaahay uga dhisin guri Jannada gudaheeda” (Muslim 728) Waana sida soo socota:   1- Labo Rakcadood salaadda fajarka ka hor.  2- Afar rakcadood salaadda Duhur ka hor, uu salaamo naqsanayo kaddib labo rakco kasta, kaddibna labo rakcadood duhurka kaddib.  3- Labo rakcadood maqribka kaddidb. ...

TIIRARKA SALAADDA IYO WAAJIBYADEEDA

Image
Tiirarka salaadda waa qaybaha aasaaska ah ay ka koobanto salaadda ayna bureyso haddii looga tago kas ama hilmaan. Waana sidan soo socota: Takbiirada ixraamka, qummaaati u istaagga marka la awoodo, akhrinta Faatixada  waxaan ma’muumka ahayn, rukuuca iyo ka soo kaca xaggiisa, sujuudda, fadhiga labada sujuudood dhexdood, tashahudka dambe iyo u fariisigiisa, ku xasilidda salaadda iyo u gudashadeeda si deggan, salaam naqsiga.   Waajibyada salaada, waa qaybaha waajibka ah ee salaadda ay bureyso salaadda haddii looga tago kas, laakiinse hadduu qofku illoobo ama ka maaho waxaa la jideeyey wax uu ku kabo nuqsaankaa oo ah sujuudu sahwiga, sida noo iman doonta. Waajibaadka salaadda waa sidan soo socota: Dhammaan takbiirooyinka waxaan ahayn takbiirada ixraamka, qowlka Subxaana Rabbiyal Cadiim mar keliya, qowlka Samicallaahu liman xamidah qofka keligi tukan iyo iimaamka, qowlka Rabbanaa walakal Xamdu ay dhammaan wada oranayaan, qowlka Subxaana Rabbiyal Aclaa mar keliya...

MACNAHA SUURADA FAATIXADA

Image
( الْحَمْدُ   لِلهِ   رَبِّ   الْعَالَمِينَ ) Waxaan ku amaanayaa Allaah dhammaan tilmaamahiisa quruxda badan iyo afcaashiisa wanaagga badan iyo nicmooyinkiisa muuqda iyo kuwa qarsoon aan la tiro koobi karin ammaan ay  wehliso maxabbad iyo weyneyn iyo mahad naq, Rabbina waa Abuuraha milkiilaha  maamulaha nicmoolaha, caalimna waa waxa ka soo hara Allaah Cazza Wajalla ee uunkiisa ka mid ah ee leh dad iyo jin iyo malaa’ig iyo xoolo, iyo qeyrkoodba. ( الرَّحْمَنِ   الرَّحِيمِ ) Waa labo magac oo ka mid ah magacyada Ilaahay, Raxmaan waa kan leh naxariista guud ee gaarta wax walba, Ar-Raxiim, waa kan ku sifeysan sifada raxmada ballaaran ee gaadha addoomahiisa mu’miniinta ah. ( مَالِكِ   يَوْمِ   الدِّينِ ) Waa Kan iska leh  xukunka ee ka talin  maalinta abaal marinta iyo xisaabta, waxaana arrinkaa ugu sugan xusuusin Muslimka Maalinta Aakhiro iyo ku dhiirra gelin inuu fasho camallo wanaagsan. ( إِيَّاكَ   نَعْبُدُ   وَإِي...