TARAAWIIXDA
Taraawiixdu waa kicida habeennada Bisha Ramadanka jameeco ahaan Salaada loogu kaco, wuxuu waqtigeeda ka billaaban salaada cishaha kadib illaa waabariga.
Nabiga SCW Ummada wuu ku booriyey Qiyaamka Ramaadaanka oo wuxuu yiri :
.من قام رمضان إيماناً واحتسابا غفر له ما تقدم من ذنبه
"Qofkii Bisha Ramadaan u kaca habeenkii Salaad, si iimaannimo ku dheehantahay, isagoo Illaah kaga Ajar iyo Abaal dooni, wuxuu Illaah ka dhaafaa Denbiyadiisa hore".
Waxaa Muslimiinta laga dooni inay ku dadaalaan oogida iyo ka qayb galka Salaada Taraawiixda, oo ay ku dayicin hadba Masaajid aadistiisa, waayo qofkii la billawdo Salaada Imaamka tan iyo intii uu kabaxo, waxay u dhigantahay isagoo habeenkii oo dhan Salaad u taagnaa, xitaa hadii uu jiifsado gurigiisa Salaaddaa kadib ee uusan habeenkii oo idil Salaad usoo jeedin.
W/Q: FARXADA NOLOSHA

Comments
Post a Comment