DHIBAATOOYINKA UGU WEYN IYO FAAIDOOYINKA SUNNADA


Bismillaah

Waxaan aad u weyneynay Lacaga iyo Dahabka si ka weyn Sunnada Nabiga S.C.W. Hadii dadka la dhihi lahaa qofkii hal Sune ah nooleeya waxaa la siinayaa Lacag waxaad arki laheyd iyagoo ku dadaalaya ku dhaqanka sunada Nabiga S.C.W. habeen iyo maalin walba si ay suno kasta uga helaan Faa'ido, Maal muxuu kuu tarayaa? markii lagu dhigo qabrigaaga oo ciida dusha lagaa saaro...

Sareeye wuxuu dhahay :

بَلْ تُؤْثِرُونَ الْحَيَاةَ الدُّنْيَا ١٦

Aduunyada ayaad doorateyn, Aakhiro ayaana kheyr badan oo baaqi ahaaneysa.

FAAIDOOYINKA

1. Qofku wuxuu gaari darajada Allaah adoonkiisa ku
jeclaado.
2. Sunada waxey kabtaa naqsiga ku dhaca Faraa'isha.
3. Sunadu waxey dadka ka badbaadisaa in lagu dhaco bidcada.
4. Sunadu waxey ku tuseysaa weyneynta diinta Ilaahay.

War muslimiinow yaan Sunada Nabiga loo deymo la'aanin ha noqoto Sunada Nabiga S.C.W mid ku shaqeysa nolol maalmeedkiina, hadii aydaan idinku ku dhaqmin yaa ku dhaqmi, sunadu waa astaanta lagu garto dhabnimada Jaceylka Nabiga S.C.W. iyo raacitaankiis.

Wabillahi Towfiiq

Comments

Popular posts from this blog

TIIRARKA SALAADDA IYO WAAJIBYADEEDA

SIDA LOO TUKADO SALAADDA

WAA MAXAY SALAADAHA SUNNADA AH?