NINKII DOONAYEY DAHABKA
Ninkii Doonayay Dahabka. (La kulankii Ninkii Baabila Ugu Hantida Badnaa)
===========================================
Qaybtii 2-aad
((Sheekadu waa ay dheertahay ee shaah u soo qaado walaal.))
“Waa riyo aad u qurux badan dhabtii, balse sidee riyada sidaa dhan u qurux badani u keentay in wali sidii taalladii aad meel iska taagantahay?” Kobbi ayaa ku warceliyey.
“Waxaa markii aan toosay ee aan aan garawsaday marnaanshaha boorsadayda I galay dareen kacdoon iyo u-qaadan-waa ah. Bal aynu isla eegno labadeenna iyo nolsheenna sida ay tahay, badmaaxyada ayaa yiraahda ISKU DOONI AYAA AAN SAARANAHAY. Hadda labadeennu bal aynu doonidaan nolosheenna isla qaadaa-dhigno.
Carruurnimadii isku meel ayaa aynu wax ka baran jirnay. Markii aan dhalinyarada ahaynna, raynraynta ayaa aynu wada qaybsan jirnay. Haddii aynu waynaanayna markasta dad iska agdhow oo jaal ah ayaa aynnu nahay. Waa aynnu ku QANACSANAANAY nolosheenna markasta. Waxa aannu ku qanacsanaanay in aan saacado aad u tirobadan shaqayno haddana aynu waxa aan shaqayno oo dhan si dhibyari ah inooga wada baxaan.
Shilin-bireedyo aad u tiro badan ayaa ina soogalay gu`yadii la soo dhaafay sidaas oo ay tahayna raynraynta hantiilenimadu waa wax aynu riyo kali ah ku ognahay. Bal eeg oo idaha maxaa aynu kaga duwannahay? Waxa aynu ku noolnahay magaalada ifka ugu hantida badan. Socdaalka ayaan markasta ka maqalnaa iyaga oo oranaya meel la hanti ah ama u hanti dhow Baabila habayaraatee majirto. Hanti ayaa astaan u ah magaaladaan haddana aniga iyo adigu waa aynu ka qatanahay. Kalabar noloshaadii oo aad shaqo dhabar-jab ah aad ku soo jirtay ayaa aad maantay ka faro-marantahay oo aad aniga I waydiisan labo shillin-bireed oo aad la maqnaatid illaa iyo Iidda. Maxaa aan kugu iraahdaa? Ma ku dhahaa “Hoo waa tan boorsadaydii ee kala bax waxa ku jira oo dhan. Maya taas ma awoodo oo aniguba adiga ayaa aan kula mid ahay oo boorsadaydu waa marantahay. Maxaa ina haysta? Maxaa aynu u awoodin in aan helno dahab iyo lacag aan ku iibsan karno cunto iyo dhar inta aan rabno?
“Bal ilmaheenna dib u eeg, miyeysan qaadi doonin raadkeenna? Miyaan carruurteenna, kuwa ay dhalaan iyo kuwa ay sii dhalaanba u baahnayn in ay dahab iyo lacag yeeshaan? Mise waxa ay ku gawracanyahiin in sideenna oo kale ay nolol adag ku jiraan?
“Jaalkayoow, waligay adiga oo sidaan u hadlaya waa haddii aanan ku arkinin.” Kobbi ayaa asaga oo yaabban yiri.
“Waligeey sidaas oo kale uma aanan fakarin. Illaa iyo saakay inta I soo martay ayaa keenaysa in aan sidaan u fekaro. Illaa iyo waligayba waxa aan ku dhabar jabaa in aan sameeyo karneeto kuwa ugu tayada fiican aniga oo filaya in maalin uun boqorrada iyo dadka aan u sameeyo garawsan doonaan hawlkarnimadayda kadibna abaalgud wayn aan ku heli doono.
Maalintaasi ma aha mid waligeed la arkay. Ugu dambayntii hadda waxa aan ogsoonaaday in aysan maalintaasi waligeed dhici doonin. Sidaas darteedna waa aan murugaysanahay. Waxa aan rabi lahaa in aan ahay nin qiimo leh. Waxa aan jeclaan lahaa in aan xoolo iyo beero yeesho, in dhar kuwa ugu wanaagsan iyo shilin-bireedyaba aan yeesho. Waxa aan diyaar u ahay in aan qabto wax walba oo intaas aan doonayo aan ku heli karayo waxa aan filanayay in aan abaalgudka dedaalkaas aan helo balse ma dhacdo marnaba. Xaggee la inaga haystaa! Aan mar labaad ku waydiiyee maxaa inoo diiday in barwaaqada iyo dahabka hantiilayaashu haystaan aan innaguna qayb leenahay?
“Ma aniga ayaaba kaaga warcelin kara waydiintaadaas!” Kobbi ayaa hadalkii sii watay “ Aniguba ma aniga ayaa waxba ku dhaamma. Dhaqaalaha I soo gala dhakhso ayaa uu ku dhammaadaa. Markasta waa in aan qorsheeyo oo aan ka walwalo in aan qoyskaygu baahi ku seexan. Haddana sidaas oo ay tahay waxaa qalbigayga ku wayn sidii aan ku gadan lahaa kaban ka wayn midka aan haysto si aan dhawaaq ka sii fiicankan hadda u samayn karayo. Haddii aan heli lahaa kabankaas wayn, waxa aan samayn lahaa codad aan waligiis boqorku maqlinin.
“Waa aad u qalantaa in aad kabankaas heshid. Ma jirto cid Baabila ku nool oo kaa cod macaanaan ama kaa hees wanaagsanaan lahayd. Waxaa hubaal ah in boqortooyada dhammi codkaaga aad ugu bogayaan. Balse sidee ku heli kartaa kabankaas haddii labadeenuba aynu nahay sabool ama dadka adoomada ah ee lagu shaqeysto ?
Balshanqartaas dhegayso! Waa kuwaan.” Waxa uu farta ku fiiqayaa safaf dhaadheer oo addoomo wada feero qaawan ah kuwaas oo dhididaya mid kastana uu sido haan biyood weynaatay. Waa shan saf oo is feer socda midkasta uu culays dartiis la soo godmay. “ Eeg ninkaas xooggu ka muuqdo ee hor socda.” Kobbi ayaa tilmaamaya horjoogaha addoomadu ay dabo soconayaan balse isagu wax culays ah aan wadin. “Waa madax dhulkiisii jooga dheh.”
“Rag badan oo xoog le`eg ninkaas ayaa safka ku dhex jira.” Bansir ayaa hadalkiisii sii watay, “Rag badan oo caddaan, madoow, gaduud jaadad walba leh ayaa safafka ku wada jira oo addoomo ah. Dhammaantood maalinta oo dhan sidaas ayaa ay horay iyo gadaal marba dhinac kuu dhaafayaan ayaga oo sidaas u raran. Waligood sidaas ayaa ay ku jiraan ayaga oo aan wax madax-bannaani ah iyo raynrayn midnaba haysanin. Sariiro ay ku seexdaan ma helaan, cunto macaanna lama siiyo. Waa xayawaanno masaakiin ah.”
Waa aan ka naxsanahay aniguba. Waxaa ii muuqata in aad I tusaysid in aan ka yara nolol fiicannahay kuwaas oo aynu dad madax-bannaan isugu yeerno.”
Waa runtaa Kobbiyoow, waa wax laga diirnaxo. Sidaas oo ay tahay innaguna ma doonayno in aan sanadka kan ka dambeeya gaarno annaga oo noloshaan adag ku dhexjirna. Waa aan shaqynaynaa, shaqynaynaa, shaqynaynaa! Haddana meelna ma gaarayno.”
“Miyaa aysan habboonaan lahayn in aynu raadino sida dadka kale dahabka ku helaan?” Kobbi ayaa waydiiyey.
“Waa runtaa, waana hubaal in aynu ogaanayno sirta ku jirta haddii aynu ka raadino kuwa og,” Bansir ayaa ku warceliyey.
Xigasho: Buugga The Richest Man In Babylon ( Ninkii Ugu Hantida Badnaa Baabila)
Turjumadii: Dr Jama Sahal
La soco qaybta 3-aad Insha allah.

Comments
Post a Comment