HABABKA LOO DUMIYO XADAARADAHA BULSHO

Dr. Mahdi Elmandjra oo ahaa caalim u dhashay dalka Marooko(1933-2014) ayaa maqaal uu qoray oo uu uga hadlayay hababka loo dumiyo xadaaradaha bulshooyinka wuxuu ku yiri: "Si aad u burburiso bulsho dhisan uma baahid in aad u adeegsato Nugleyr; ee kaliya waxaad u baahantay inaad xididdo-siibto qoyska, tayada waxbarashada iyo in aad meesha ka saarto kaalinta haldoorka ay bulshadaasi ku dayato."

Qoraaga oo hababkan sii sharxaya wuxuu yiri:
1⃣Si aad u dumiso qoyska, meesha ka saar kaalinta ay hooyadu ku leedahay barbaarinta ubadka. Si taas kuugu suura-gasho bulshadaas u sheeg in ay gabadhu la simantayay ninka oo ay qasab tahay inay shaqeysato, taasi waxay keeneyaaa in ay hooyadu ka faanto in ay guriga joogto, ayna dayacdo barbaarinta ubadkeeda. Sidaas ayayna gurigaas ugasoo baxayaan carruur aan tarbiyeysneyn iyo qoys dhintay.

2⃣Si aad u dumiso waxbarashada, hoos u dhig tayadeeda, ardaydana u fududey qishka. Dadka waxbartay la sin kuwo aan wax baran. Bahdil oo hoos u dhig qiimaha macallinka iyo mushaarkiisa, si ay u noqato shaqo laga faano oo ay ka shaqeeyaan dadka bulshadaas ugu liita, uuna sidaas cilmigu ugu dhex dhinto, ayna bulshadaas ugusoo baxaan arday qish kusoo baastay oo muhiimaddoodu tahay in ay helaan shahaado aysan aqoonteedii laheyn.

3⃣Si aad meesha uga saarto dadka haldoorka ah ee bulshadaasi ku dayato, wax-ka-sheeg oo bahdil culimada iyo aqoonyahannada, si aan hadalkooda loo dhegeysan looguna dayan, ayna halkaas ugasoo baxdo bulsho marti ka ah diinteeda, dhaqankeeda iyo aqoonta casiga ah.

Haddaba, haddii uu gurigii kasoo baxo jiil aan tarbiyeysneyn, ayna meesha ka baxdo kaalintii macallinka, culimada iyo aqoonyahannada, yaa u maqan bulshadaas? ayuu Prof. Mahdi isku weydiinayaa dhammaadka maqaalka uu qoray.

Natiijadii falsafaddaan oo la dhaqan-geliyay waa mushkiladda iyo dib-u-dhaca maanta nala degay, kasoo kabashadeedana waxaa sal u ah guriga, oo ay udub-dhexaad ugasii tahay in uu ubadku helo hooyo ku faaneyso barbaarintiisa.

Barbara Bush oo aheed xaaska madaxweynihii 41-aad ee Mareykanka, aheedna hooyadii dhashay madaxweynihii 43-aad ayaa wareysi uu CNN-ku ka qaaday wuxuu wariyuhu ku weydiiyay "Barbara Bush, 4 sano ayaad aheed Marwada koobaad ee Mareykanka, 4 kalena waxaad aheed Marwada labaad, wiilkaaduna wuxuu madaxweyne Mareykanka ahaa 8 sano, balse adiga oo jaaniskaas badan helay si fiican ugama soo muuqan Aqalka-cad, ee maxaa kuu diiday inaad magac ka sameyso oo aad caan u noqato sidii Hillary Clinton iyo Michelle Obama"

Barbara Bush waxay bixisay jawaab wariyihii aamusisay. Waxay tiri “Mareykanka waxaan usoo saaray saddex hoggaamiye. Waxaan ahaa maskaxdii ka dambeysay George H. W. Bush, intii uu xilka hayayna waxaan diyaarinayay kii beddeli lahaa - waa wiilkeyga George W. Bush - haddana waxaan soo wadaa Jeb Bush oo aan kusoo tijaabiyay duqa gobolka Florida. Marka, hankeygu waa ka sarreeyay in aan kasoo muuqdo Aqalka-cad oo kaliya, Mareykankana waxaan u qabtay shaqo adag oo aysan jirin cid kale oo u qabatay, oo waxaan usoo saaray hoggaan horumarka dalka gacan ka geystay!"

Markii uu ubadkeennu helo hooyo dhisan, oo ku cibaadeysata barbaarintiisa; uuna goobaha waxbarashada ku helo macallin garaadkiisa kobciya, uuna heysto culimo iyo aqoonyahanno uu ku daydo; ayaa waxaa noosoo baxaya jiil baraarugsan, yaqaanna kuna dheggan diintiisa iyo dhaqankiisa, waxna u tari kara naftiisa iyo qoyskiisa; kadibna dadkiisa iyo dalkiisa hooyo.

W/Q: Hussein Sabrie

Comments

Popular posts from this blog

TIIRARKA SALAADDA IYO WAAJIBYADEEDA

SIDA LOO TUKADO SALAADDA

WAA MAXAY SALAADAHA SUNNADA AH?