Posts

Showing posts from 2019

Maalinta Carafo iyo Bishaaradeeda!

Image
Bushaaro Bushaaro walaaladay Muslimiinta meel kasta oo aad joogtaan! Hadii malaa’iktu soo dagto habeenka Laylatul-Qadriga, waxa maalinta Carafa soo dagaya Ilaahay (swt), soo dagistaas oo ku haboon Ilaahay, una qalanta, taasoo aan lamid ahayn soo dagista makhluuqaadkiisa. Maalinta Carafo: Waa maalintii Ilaahay dhamaystiray diintiisa, ee uu kamilay nicmadiisa, diinta Islaamkana raali Ilaahay ka noqday. [Saxiixu Bukhaari: 45] Carafo waa maalin ciid u ah xujaajta baytka Ilaahay ku gudanaya waajibaadka xajka. Waa maalin dadka xujaajta ah loo ogolyahay inay cunaan oo cabaan. [Sunan Tirmadi: 773] Maalinta Carafo waxa ku dhaartay waynideeda Ilaahay (swt), wuxuuna dhahay: ” وشاهد ومشهود ” maalinta shaahidku waa Jimcaha, maalinta mashhuudkuna waa maalinta Carafo. [Tirmadibaa soo saaray, waxaana taxsiiniyey Albanai] Maalinta Carafo soonka la soomo, waxa Ilaahay ku dhaafayaa danbiyada sanadkii hore iyo sanadka soo socda. Soonkana waxa laga rabaa dadka ayagu aan gudanaynin waajibaadka ...

NIMCOOYINKA LA MOOGANYAHAY

Image
Nin magaciisu yahay Cabdallah Bincmah ayaa wuxuu ahaa Nin Xubnihiisa ay Shaqeyn waayeen, waxaana u noqday Qof (mayd) oo kale ah, ma Dhaqaajin Karin jirkiisa inta kale Madaxa oo qura ayuuna Dhaqaajin karayey. Maadaama xaaladaas uu ku jirey ninkaa odayga ahaa ayaa wuxuu is Oran jiray waxaad tahay Qofka ugu Xaaladda Xun Dadka, dabeed Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa la yiri Cabdallah: - Ma lagu Tusaa Qof kaa daran? Markaas ayuu yiri Haa. Dabeedna waxaa loo geeyey Nin sidiisa oo kale ah, laakiin waxaa uu uga sii Liitay, Ninkaasi ma Hadli karo, wax ma Maqli karo, Madaxana ma Dhaqaajin karo. Intaas waxaa ka sii daran waxaa dhacday in ninkaa Madaxa aan Dhaqaajin karin.mar Ehelkiisa ay Arkeen asagoo Ooyaya oo ilmo ka socoto markii ay sii fiiriyeen ama eegeen bay Arkeen Dhiig, markay sii Raaceen dhiiggiina waxay arkeen in Labo Farood ay Go’an tahay waxa Goosteyna uu ahaa Dooli ama Jiir, waayo asagu ma Qaylin karo, Mana Dhaqdhaqaaqi karo. Haddaba, Cabdallah Bincmah Wuxuu Yir...

DHIBAATOOYINKA UGU WEYN IYO FAAIDOOYINKA SUNNADA

Image
Bismillaah Waxaan aad u weyneynay Lacaga iyo Dahabka si ka weyn Sunnada Nabiga S.C.W. Hadii dadka la dhihi lahaa qofkii hal Sune ah nooleeya waxaa la siinayaa Lacag waxaad arki laheyd iyagoo ku dadaalaya ku dhaqanka sunada Nabiga S.C.W. habeen iyo maalin walba si ay suno kasta uga helaan Faa'ido, Maal muxuu kuu tarayaa? markii lagu dhigo qabrigaaga oo ciida dusha lagaa saaro... Sareeye wuxuu dhahay : بَلْ تُؤْثِرُونَ الْحَيَاةَ الدُّنْيَا ١٦ Aduunyada ayaad doorateyn, Aakhiro ayaana kheyr badan oo baaqi ahaaneysa. FAAIDOOYINKA 1. Qofku wuxuu gaari darajada Allaah adoonkiisa ku jeclaado. 2. Sunada waxey kabtaa naqsiga ku dhaca Faraa'isha. 3. Sunadu waxey dadka ka badbaadisaa in lagu dhaco bidcada. 4. Sunadu waxey ku tuseysaa weyneynta diinta Ilaahay. War muslimiinow yaan Sunada Nabiga loo deymo la'aanin ha noqoto Sunada Nabiga S.C.W mid ku shaqeysa nolol maalmeedkiina, hadii aydaan idinku ku dhaqmin yaa ku dhaqmi, sunadu waa astaanta lagu garto dhabni...

TARAAWIIXDA

Image
Taraawiixdu waa kicida habeennada Bisha Ramadanka jameeco ahaan Salaada loogu kaco, wuxuu waqtigeeda ka billaaban salaada cishaha kadib illaa waabariga. Nabiga SCW Ummada wuu ku booriyey Qiyaamka Ramaadaanka oo wuxuu yiri : .من قام رمضان إيماناً واحتسابا غفر له ما تقدم من ذنبه "Qofkii Bisha Ramadaan u kaca habeenkii Salaad, si iimaannimo ku dheehantahay, isagoo Illaah kaga Ajar iyo Abaal dooni, wuxuu Illaah ka dhaafaa Denbiyadiisa hore". Waxaa Muslimiinta laga dooni inay ku dadaalaan oogida iyo ka qayb galka Salaada Taraawiixda, oo ay ku dayicin hadba Masaajid aadistiisa, waayo qofkii la billawdo Salaada Imaamka tan iyo intii uu kabaxo, waxay u dhigantahay isagoo habeenkii oo dhan Salaad u taagnaa, xitaa hadii uu jiifsado gurigiisa Salaaddaa kadib ee uusan habeenkii oo idil Salaad usoo jeedin. W/Q: FARXADA NOLOSHA

Sawiro July 2018

Image
https://www.instagram.com/p/Blug1Z8lCL_/?utm_source=ig_share_sheet&igshid=lzcp8ddgf48e https://www.instagram.com/p/BlvS6pNlcX8/?utm_source=ig_share_sheet&igshid=4wecto369brb https://www.instagram.com/p/BlvkCwbFUD_/?utm_source=ig_share_sheet&igshid=ew872irbocok https://www.instagram.com/p/BlwxcZYlCLq/?utm_source=ig_share_sheet&igshid=1l4x2fmv8fa5b https://www.instagram.com/p/BlxdzZxFXf-/?utm_source=ig_share_sheet&igshid=r7fnrlt1l6i9 https://www.instagram.com/p/BlyMYwGlK5V/?utm_source=ig_share_sheet&igshid=1kcglp3602b9q https://www.instagram.com/p/BlzOAF6ldoH/?utm_source=ig_share_sheet&igshid=19zfb56h308as https://www.instagram.com/p/Bl0DHTwlz7e/?utm_source=ig_share_sheet&igshid=nyibq72fvdch https://www.instagram.com/p/Bl0oTcXlm5K/?utm_source=ig_share_sheet&igshid=fo1c1jw704q https://www.instagram.com/p/Bl17WAmlW1F/?utm_source=ig_share_sheet&igshid=1og2pt3riyfd0 https://www.instagram.com/p/Bl2mm8SlRRp/?utm_source=ig_share_sh...

NINKII DOONAYEY DAHABKA

Ninkii Doonayay Dahabka. (La kulankii Ninkii Baabila Ugu Hantida Badnaa) =========================================== Qaybtii 2-aad ((Sheekadu waa ay dheertahay ee shaah u soo qaado walaal.)) “Waa riyo aad u qurux badan dhabtii, balse sidee riyada sidaa dhan u qurux badani u keentay in wali sidii taalladii aad meel iska taagantahay?” Kobbi ayaa ku warceliyey. “Waxaa markii aan toosay ee aan aan garawsaday marnaanshaha boorsadayda I galay dareen kacdoon iyo u-qaadan-waa ah. Bal aynu isla eegno labadeenna iyo nolsheenna sida ay tahay, badmaaxyada ayaa yiraahda ISKU DOONI AYAA AAN SAARANAHAY. Hadda labadeennu bal aynu doonidaan nolosheenna isla qaadaa-dhigno. Carruurnimadii isku meel ayaa aynu wax ka baran jirnay. Markii aan dhalinyarada ahaynna, raynraynta ayaa aynu wada qaybsan jirnay. Haddii aynu waynaanayna markasta dad iska agdhow oo jaal ah ayaa aynnu nahay. Waa aynnu ku QANACSANAANAY nolosheenna markasta. Waxa aannu ku qanacsanaanay in aan saacado aad u tirobadan shaqayno ...

HABABKA LOO DUMIYO XADAARADAHA BULSHO

Dr. Mahdi Elmandjra oo ahaa caalim u dhashay dalka Marooko(1933-2014) ayaa maqaal uu qoray oo uu uga hadlayay hababka loo dumiyo xadaaradaha bulshooyinka wuxuu ku yiri: "Si aad u burburiso bulsho dhisan uma baahid in aad u adeegsato Nugleyr; ee kaliya waxaad u baahantay inaad xididdo-siibto qoyska, tayada waxbarashada iyo in aad meesha ka saarto kaalinta haldoorka ay bulshadaasi ku dayato." Qoraaga oo hababkan sii sharxaya wuxuu yiri: 1⃣Si aad u dumiso qoyska, meesha ka saar kaalinta ay hooyadu ku leedahay barbaarinta ubadka. Si taas kuugu suura-gasho bulshadaas u sheeg in ay gabadhu la simantayay ninka oo ay qasab tahay inay shaqeysato, taasi waxay keeneyaaa in ay hooyadu ka faanto in ay guriga joogto, ayna dayacdo barbaarinta ubadkeeda. Sidaas ayayna gurigaas ugasoo baxayaan carruur aan tarbiyeysneyn iyo qoys dhintay. 2⃣Si aad u dumiso waxbarashada, hoos u dhig tayadeeda, ardaydana u fududey qishka. Dadka waxbartay la sin kuwo aan wax baran. Bahdil oo hoos u dhig qiima...

Ninkii Doonayay Dahabka

Ninkii Doonayay Dahabka. (La kulankii Ninkii Baabila Ugu Hantida Badnaa) =========================================== Qaybtii 1-aad Bansir waa karneeto (gaari-faraseed) sameeye kaas oo aad uga niyad jabsan noloshiisa. Haddii uu geeesaha eegay waxaa u muuqanaya dadka gurigiisa, si murugo leh ayuu u eegayaa gurigiisa yar ee saboolnimadu ka muuqato. Waxaa kale oo u muuqda halka uu biraha ku tumo iyo karneetada uusan wali dhammaynin samaynteeda ee meesha u dhextaalla. Xaaskiisa ayaa marar badan iridka guriga soo istaagaysa. Eegmadeeda duruufaysan ayaa laga dareemi karaa hadalka ku duugan oo ah in raashinkii dhammaaday lagana sugayo in uu si dhakhso ah u dhammeeyo karneetada si uu uga iibiyo dadka lacagta haysta, reerkiisana cunto ugu soo gado ama ugu soo iibiyo. Si kasta oo ay tahayba jirkiisa oo ah mid qaro wayn, xoog iyo murqana ka muuqanayo ayaa derbiga isku tiirinaya. Maskaxdiisa tabarta daran waxaa ka dhexguuxaya waydiimo uu wax warcelin ah u la`ayahay. Qoraxda kulaylaha ee shi...