Posts

Showing posts from August, 2019

Maalinta Carafo iyo Bishaaradeeda!

Image
Bushaaro Bushaaro walaaladay Muslimiinta meel kasta oo aad joogtaan! Hadii malaa’iktu soo dagto habeenka Laylatul-Qadriga, waxa maalinta Carafa soo dagaya Ilaahay (swt), soo dagistaas oo ku haboon Ilaahay, una qalanta, taasoo aan lamid ahayn soo dagista makhluuqaadkiisa. Maalinta Carafo: Waa maalintii Ilaahay dhamaystiray diintiisa, ee uu kamilay nicmadiisa, diinta Islaamkana raali Ilaahay ka noqday. [Saxiixu Bukhaari: 45] Carafo waa maalin ciid u ah xujaajta baytka Ilaahay ku gudanaya waajibaadka xajka. Waa maalin dadka xujaajta ah loo ogolyahay inay cunaan oo cabaan. [Sunan Tirmadi: 773] Maalinta Carafo waxa ku dhaartay waynideeda Ilaahay (swt), wuxuuna dhahay: ” وشاهد ومشهود ” maalinta shaahidku waa Jimcaha, maalinta mashhuudkuna waa maalinta Carafo. [Tirmadibaa soo saaray, waxaana taxsiiniyey Albanai] Maalinta Carafo soonka la soomo, waxa Ilaahay ku dhaafayaa danbiyada sanadkii hore iyo sanadka soo socda. Soonkana waxa laga rabaa dadka ayagu aan gudanaynin waajibaadka ...